U bood dhigaalka

Jubbaland: Sarkaal Al-shabaab Horay Uga Soo Baxsaday Oo Dil Geystay, Kuna Laabtay Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Cabdi Yare Xasan oo dhowaan kusoo biiray Jubbaland, kadib markii uu kasoo baxsaday Al-shabaab ayaa la sheegay in xalay uu dilay askari ka tirsan maamulkaasi isaga oo dib ugu laabtay ururkii uu markii hore ka yimid ee Al-shabaab.

Cabdi Yare ayaa Febraayo 2018 wuxuu usoo galay Jubbaland, isaga oo la geeyey Kismaayo, balse dib loo siidaayey, kuna biiray laanta socdaalka ee B/xaawo.

Xalay ayuu askari Jubbaland ah wuxuu ka codsaday inuu usoo raaco dhanka magaalada, kadibna waxaa la xaqiijiyey in madaxa uu dhowr xabadood uga dhuftay uuna raacay rag kale oo Al-shabaab ah, kuwaasi oo ku sugayey bannaanka magaalada, wuxuuna horey usii qaatay qorigii uu watay askariga dhintay.

Xaaladda magaalada B/xaawo ayaa aad u kacsan, waxaana maamulka degmada ay haystaan ninkii markii hore soo damiintay Cabdi Yare.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News