K/galbeed: Xildhibaan Dalbaday In Cadaaladda La Hor Keeno Daddkii Ka Dambeeyay Dilka Xildhibaan Ruqiyo

Xildhibaan Ibraahim Macallin Aadan  oo ka tirsan baarlamaanka maamulka K/galbeed ayaa ka dalbaday hay’adaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya in ay cadaaladda hor keenaan dadkii ka dambeeyay dilka xildhibaan Ruqiyo oo habeen ka hor lagu diley Muqdisho.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in hay’adaha ammaanka laga doonayo iney soo qabtaan dadkii dilkaasi ka dambeeyay, islamarkaana baaritaanka dilkaasi aan laga seexan.

“Dowladda Federaalka, gaar ahaan laamaha amniga waxaan ka dalbaneynaa ka baarlamaan ahaan  iney soo qabtaan cid walbo oo ka dambeysay dilka xildhibaan Ruqiya, baaritaanka aan la yareesan” ayuu yiri xildhibaanka.

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa habeen kahor waxay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ku dileen Xildhibaan Ruqiyo oo ka tirsaneyd baarlamaanka maamulka K/galbeed.

Goobjoog News

Related Articles

5 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW