U bood dhigaalka

Kalfadhiga 5-aad Ee Baarlamaanka Koofur Galbeed Oo Ka Furmay Baydhabo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa furay  Kalfadhiga shanaad ee baarlamaanka Koonfur Galbeed,isaga oo sheegay in Muhiim ay tahay in Xildhibaannada ay ansixiyaan Shraciyada horyaalla si doorasho ay uga dhacdo Koofur Galbeed.

Furitaanka kalfadhiga Shanaad ee Baarlamaanka waxaa soo xaadiray 95 xildhibaan waxaana goob joog ka ahaa guddoomiyaha golaha Shacabka  Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan isaga oo Baarlamaanka kula dardaarmay in ay dardar galiyaan howlaha horyaalla.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa tilmaamay in xukuumadda ay wax ka weydiin donaan dhibaatoyinka shacabka ay kula kulmaan wadad u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhaba.

Goobjoog News