U bood dhigaalka

Keating Oo Gaaray Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa gaaray taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Cabdi iyo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating.

Garoonka Gaalkacyo ayaa soo dhoweyn loogu sameeyey, waxaana ay halkaasi kula kulmeen saraakiisha ciidamada ku sugan Gaalkacyo iyo maamullada magaaladaasi.

Keating ayaa sheegay in halkaasi uu u tagay arrimo ku aadan adkeynta nabad galyada Gaalkacyo iyo sidoo kale ka warqabka xaaladda amni ee magaaladaasi.

Sidoo kale, waxay kulamo la qaadan doonaan saraakiisha ciidamada isku dhafka ee Gaalkacyo, kuwaasi oo ay taageerto Qaramada Midoobay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News