U bood dhigaalka

Keating: Waa In La Joojiyaa Colaadda Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Madoobe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya MR. Micheal Keating ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado dagaallada dib uga soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo.

Dagaallada soo cusboonaaday ayaa u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland.

Warsaxaafadeed uu soo saaray maanta oo sabti ah ayuu ku sheegay in Puntland iyo Galmudug ay ilaaliyaan heshiiskii xabad joojinta ahaa ee dhowaan ay saxiixeen.

“Galmudug iyo Puntland waa inay ku xalliyaan kala duwanaanshiyahooda waddo aan dagaal ahayn, sida ugu dhaqsiyaha badanna ay ku qaadaan tallaabooyin dib loogu furayo jidadka Gaalkacyo ee hadda xiran, lagana gaabsadaa wax kasta oo ka hor imaanaya nabadda iyo xasiloonida” ayuu yiri Micheal Keating.

Ergeyga ayaa ugu baaqday dhinacyada ilaalinta nabadda isagoo sheegay in dagaal uu xilligani wax faa’iido ah u lahayn bulshada Gaalkacyo.

Magaaada Gaalkacyo ayaa laga dareemayaa saansaan colaadeed oo u dhaxeysa ciidamada Galmudug iyo Puntland, waxaana shalay oo u dambeysay ay ku dagaallameen qeybo kamid ah xaafadda Garsoor, halkaas oo uu ka dhacay dagaal kooban.

Magaalada waxaa xiran qeybo kamid ah isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha waxaana arrimahani ay saameeyeen howlo badan oo la xiriira ganacsiga gobollada waqooyi, bari iyo bartamaha Soomaaliya.

Goobjoog News