U bood dhigaalka

Kenya oo sheegtay in ay furayso xadka ay la wadaagto Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Kenya ayaa shaacisay in ay u fureyso xadkeeda ay la wadaagto Soomaaliya ee dhaca Magaaloyinka Mandheera iyo Baladxaawo kadib mudda dheer oo uu xirnaa.

Go’aankaan ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirka arrimaha gudaha Kithure Kindiki khamiistii isagoo socdaal dhanka amniga ah ku marayay kowntiga Mandheera.

“Waxaan farayaa kooxda amniga gobolka inay la fariistaan madaxda siyaasadda ee gobolkan, dhammaan hay’adaha dowladda ee halkan ka shaqeeya si ay u dajiyaan qorshe ay hagi doonaan hoggaamiyeyaasha bulshada iyo odayaasha beelaha si loo hubiyo in aan bilowno howlgal lagu soo saarayo hubka. mintidiinta Mandheera iyo Waqooyi Bari. Tan waxaa lagu sameeyay Soomaaliya, waxaana sidoo kale ku sameyn karnaa halkan guriga,” ayuu yiri Prof Kindiki.

Xadkaan ayaa keenya ay xirtay 10 sano ka hor, xilligaas oo

Goobjoog News