U bood dhigaalka

Kenya : Tirinta codadka gobalada qaar oo la amray in lagu noqdo

Sheeko:Dalka

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa amartay in dib loogu noqdo tirinta codadka 15 xarumood, xilli weli ay socoto dhageysiga dacwadda ka dhanka ah natiijada doorashada Kenya ee uu soo gudbiyay  Raila Odinga .

Waxaa la amray in 48 saacadood gudahooda lagu qabto tirinta codadka 15 xarun kuwaas oo maxkamadda guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya ay amartay.

Maamulada  Kericho, Nandi, Nyandarua & Mombasa ayaa la faray in dib loogu celiyo tirinta codadkooda, xilli  Kericho, Nandi iyo Nyandarua ay u codeeyeen natiijadii soo baxday Ruto, halka Mombasa looga codeeyay keliya  Raila Odinga .

Jimcaha soo socda ee 2 September, 2022 ayaa la filayaa in la soo xiro fadhiga maxkamadda, waxaana la sugayaa in ay natiijada kama dambeysta ah ay ku dhawaaqdo maxkamadda, haddii uu guulaystay Ruto iyo haddii dib loogu noqonayo doorashada.

Haddii ay maxkamadda laasho natiijada doorashada waxaa markale muddo 60 maalmood gudahood ah lagu qabanaya doorashada madaxweynaha dalka Kenya.

Goobjoog News