U bood dhigaalka

K/galbeed Oo Raadineysa Xuquuqda Dadka La Hayb Sooco

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo looga hadlayey sidii ay xuquuqdooda u heli lahaayeen dadka la hayb sooco iyo sidoo kale dadka la sheego in laga tirade badan yahay.

Waxaa kulankaan soo qabanqaabisey wasaaradda Dastuurka iyo arrimaha dib u heshiinta, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socotey Koonfur Galbeed iyo sidoo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Qaar kamid ah shacabkii ka qeybgalay kulankaasi ayaa sheegay in dadka la hayb sooco ay dhibaato badan kala kulmaan shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo dalbaday in aan la faquuqin, islamarkaana aan laga dhigin dad aan Soomaali ahayan.

Wasiirka Dastuurka K/galbeed C/qaadir Nuur Caraale oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in marka hore wax laga xumaado ay tahay in la kala saaro shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana dadka qaar la sheego in laga tirada badan yahay.

“Soomaalidii wey is kala saareen, kuwo waa la xaqiraa oo waa la takooraa, kuwo waa la hayb soocaa, marka waxaan kulankaan usoo qabannay in la helo xuquuqda dadkaas Soomaaliyeed ay leeyihiin, waa in aan la aqbalin in shaqsi Soomaaliyeed, oo Islaam ah la yiraahdo ma dhamid, barnaamijkaan waa mid aan ku rabno in illaa heer qaran uu gaaro” ayuu yiri wasiirka.

Maamulka K/galbeed ayaa dedaal ugu jira sida dadka ku dhaqan deegaannadaasi ee la hayb sooco u heli lahaayeen xuquuqdooda haddii ay ahaan lahayd mid maamul ama mid bulsho intaba.

Goobjoog News