U bood dhigaalka

K/galbeed: Shacab Dooranaya Maamullada 5 Degmo

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan Shan degmo oo ka tirsan K/galbeed ayaa lagu wadaa iney doortaan hoggaanka maamulkaasi, kadib markii bishii tagtay ay baarlamaanka K/galbeed ansixiyeen in shacabka ay cidda ay doonaan soo doortaan.

Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka K/galbeed ayaa shaaca ka qaadday in 10-ka July ay dhici doonaan doorashooyinkaan, ayna noqon doonto middii ugu horreysay oo ka dhaca deegaannada maamulkaasi.

Shacabka ayaa dooran doona guddoomiyeyaasha iyo ku xigeennada degmooyinka Baraawe, Ceelbade, Bardaale, Xudur iyo Baydhabo.

Waxaa jira mas’uuliyiin u sharaxan xilalkaan, balse waxaa la wada eegayaa qaabka ay doorashadan ku dhici doonto.

Tani ayaa noqoneysa tijaabada ugu horreysa ee maamulka K/galbeed ka sameeyo doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

Goobjoog News