U bood dhigaalka

Khaatumo: Midnimada Soomaaliya Weli Wey Nagu Weyn Tahay

Sheeko:Dalka

Maamulka Khaatumo ayaa sheegay in marnaba aanay ka tanaasulin doonin mowqifka Soomaaliweyn, islamarkaana ay xilli walbo diyaar u yihiin iney ku dhintaan aragtidooda.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cabdalla Maxamuud Cali oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa tilmaamay in iyagu aanay ku biirin Somaliland, una aqoonsan yihiin maamul kale oo ay deris yihiin.

“Annagu Soomaali la wada leeyahay un baan naqaan ee Somaliland wax la yiraahdo oo dal ah ma jiro, kolley siyaasiga dalkiisa hunguri ka doorto waa isaga, balse waxaan kuu caddeynayaa inaan Soomaali nahay, Soomaali diidkana aanan ku taageereyn aragtida ay wataan” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Khaatumo.

Dhanka kale, Mudane Cabdalla ayaa sheegay in dhowaan ay qaban doonaan shir weyn Khaatumo ah, islamarkaana ay kaga hadli doonaan aayaha maamulkaasi iyo sida loo socodsiin lahaa.

Maamulka Khaatumo ayaa u kala qeybsamay Labo garab, iyadoo xubno uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulkaasi Cali Khaliif Galeyr uu wada hadal kula jiro Somaliland.

Goobjoog News