U bood dhigaalka

Khaatumo Oo Eedeysay DFS

Sheeko:Dalka

Maamulka Khaatuma ayaa sheegay in dowladda federaalka ay qaadanayso mas’uuliyadda xiisadda degaanka Tukarraq.

Wasiirka arrimaha dibadda Khaatuma Caynaanshe Cabdiraxmaan ayaa sheegay in gobolladaasi ay xukuumadda Soomaaliya dayacday iminkana ay isku heystaan ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland.

“Dhibaatada ka jirta Tukarraq kaalin weyn bay ku leedahay dowladda Federaalka oo indhaha ka daawaneysa shacabkan la laayay, lana barakiciyey, waana in ay mas’uuliyaddeeda qaadataa”

Wasiirka oo la hadlay Goobjoog News, wuxuu ku baaqay in qoysaskii ku barakacay xiisadda degaanka Tukarraq ee gobolka Soo loo ciidamo Labadaasi maamul ah ay isku horfadhiyaan in loo gurmado.

Xiisad u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, iyadoo dadkii halkaasi deganaa ay dhammaan isaga barakaceen.

Goobjoog News