U bood dhigaalka

Khaatumo Oo Taageertay Puntland, Kuna Dhowaaqday Dagaal Ka Dhan Ah Somaliland (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Khaatumo ayaa sheegay iney garab la yihiin maamulka Puntland, islamarkaana ciidankoodu ka qeybqaadan doonaan dagaallada ka dhanka ah Somaliland ee gobolka Sool.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkan Cabdalle Maxamed Cali oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in Somaliland ay kusoo xadgudubtay dhulka Khaatumo, sidoo kalena ay lahayd sababta bilowga dagaalka Tukaraq.

Waxa uu tilmaamay in Puntland waajib ka saaran yahay iney Somaliland ka saarto gobollada Sool iyo Sanaag, sababtuna wuxuu ku tilmaamay in markii hore iyaga laga qabsaday.

Dhanka kale, C/lle ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka gaabisay badbaadinta gobolladan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News