U bood dhigaalka

Khasaaro ka dhashay dagaal ka dhacay Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Baalle oo kaabiga ku haya deegaanka Dhagax-dheer  ee hoostaga degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta oo Arbaco ah, uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya laba beel oo walaalo ah, kuwaas oo deeganka wada daga.

Inta la xaqiijiyay dagaalka oo saaka ka qarxay deegaanka waxaa ku geeriyooday laba qof, tira kalena uu dhaawac ka soo gaaray dagaalka.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii labada beelood ay isku qabsadeen lahaanshiyaha dhul ku yaalla deegaanka Baalle Dhagax-dheer  ee hoostaga degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud.

Maamulka galmudug iyo kan gobalka ayaanan illa iyo hadda dhankooda dagaalka ka hadlin, waxaana wararka ay sheegayaan in hadda dagaalka hakad uu ku jiro.

Goobjoog News