U bood dhigaalka

Khasaaro ka dhashay Qarax ka dhacay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo qarax khasaaro gaystay oo xalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbland.

Qarax ayaa lala eegtay guri ku yaalla xaafadda Siinaay ee magaalada Kismaayo, waxaana guriga la sheegay in uu daganna sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Jubbaland.

Abaanduulihii hore ee ciidamada Jubbaland Mukhtaar Raamsade ayaa la sheegay in uu daganaa guriga, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Raamsade iyo xaaskiisa ayaa la sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen, halka qaraxa ay ku dhinteen carruur uu dhalay sarkaalkan.

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa dhankooda xaafadaha Siinaay ka wada baaritaanno ay amniga ku xaqiijinayaan, xilli dadka qaraxa ku dhaawacmay oo ay ku jiraan askar ilaalo ka haysay guriga la geeyay goobaha caafimaad ee magaalada Kismaayo.

Goobjoog News