U bood dhigaalka

Khasaaro ka dhashay shil ka dhacay Hargeyso

Sheeko:Dalka

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku dhintay shan kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo oo xalay ka dhacay magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in shilkan uu yimid ka dib markii darawal kaxeynayay gaari nooca xamuulka ah uu koontarooli waayay gaariga, waxaana uu ku dhacay maqaayad ku taal degmada Siinaay ee magaalada Hargeysa, waxaana shilkan uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii ku sugnaa maqaayaddaasi.

Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland oo gaaray goobta uu shilku ka dhacay ayaa dadka dhaawaca ah ula cararay cisbitaalka, waxaana ay halkaasi ka kaxeysteen darawalkii waday gaariga xamuulka ah, si su’aalo loo weydiiyo.

Goobjoog News