U bood dhigaalka

Kheyre Oo Booqanaya Boosaaso

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo safar ku maraya deegaanno ka mid ah Puntland ayaa la filayaa in maanta uu gaaro magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Ra’iisul wasaaraha ay la socdaan wasiirro, xildhibaanno ka tirsan Labada aqal ee baarlamaanka federaalka, madaxda Puntland iyo mas’uuliyiin kale.

Shacabka Boosaaso ayaa isku diyaarinaya sidii ay kusoo dhoweyn lahaayeen Ra’iisul wasaaraha, iyadoo dhanka kalena lasoo sheegayo in ammaanka magaaladaasi aad loo adkeeyey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News