U bood dhigaalka

Khilaaf Maamul Oo Weli Ka Jira Buulo-burde

Sheeko:Dalka

Waxaa soo kordhaya xilligan khilaafka maamul ee ka taagan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, kadib markii dhowaan wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle u magacawday degmadaasi guddoomiye cusub.

Waxgaradka ku sugan degmada Buulo-burde oo warbaahinta la hadlay waxa ay ka horyimaadeen magacaabista guddoomiyahaasi.

Waxay sheegeen in ay sugayeen oo kaliya in guddoomiyaha cusub ku yimaado doorasho gole deegaan, inta ka horreysana howsha uu sii hayo ku simaha guddoomiyaha degmadaasi.

“Annaga waxa aan yeeleyno ma ahan in gole deegaan oo aan la dhisin guddoomiye la magacaabo, wasiirka arrintaasi wuu ku fashilmay, waxaana u sheegeynaa in haddii aan nahay waxgaradka Buulo-burde aan aqbali doonin guddoomiyaha cusub ee naloo soo magacaabay” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradkii waxrbaahinta la hadlay.

Sida ay waxgaradkan sheegeen, waxay u baahan yihiin dhismaha gole deegaan, kadibna lasoo doorto guddoomiyaha degmadaasi.

Goobjoog News