U bood dhigaalka

Kismaayo: Booliis Loo Tababarayo Jubbaland

Sheeko:Dalka

Labo boqol oo dhallinyaro ah ayaa maalintii khamiistii ahayd oo shalay ah loo billaabay tababar dhanka booliska ah.

Tababarkani ayaa waxaa iska kaashanaya dowlad goboleedka Jubbaland, booliska Soomaaliyeed iyo midowga afrika ee AMISOM, waxaana loo qabanayaa tababarka dad isugu jira rag iyo dumar kaasoo socon doona muddo seddex bil ah ka hor inta aan la kala geynin xarumaha Jubbaland si amniga iyo kala dambeynta u soo celshaan.

Dufcaddii koowaad iyo middii labaad ayaa dhammeystay tababarkooda kuwaasoo ay ka soo baxeen afar boqol oo ciidan boolis ah waxaana loo kala daabulay xarumaha booliska ee Jubbaland.

Taliye u hadlay ciidanka booliska Jubbaland oo lagu magacaabo Axmed Xasan ayaa sheegay in maamulka Jubbaland uu dadaal badan ku bixinayo in la soo celiyo xasiloonida iyo nabadgalyada.

“Waxaan mahad ballaaran u celineynaa ciidanka booliska AMISOM, oo si hagar la’aaneed naga la qeyb qaatay xulidda ciidamadani cusub waxaan fileynaa in tababarkooda lagu soo gebagebeeyo muddo seddex bil ah” ayuu yiri taliye Axmed Xasan.

Ciidamo kale oo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa horey xarumo tababar oo ku yaalla magaalada Kismaayo loogu soo gebagebeeyay tababar ceynkani oo kale ah.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada