U bood dhigaalka

Doorashada Kismaayo Waa La Wada Eegayaa!

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, waxaa maalinta berri ah kuna beegan 15-ka August la filayaa in ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Jubbaland, waxaana xilikaasi u taagan Afar Musharrax.

Guud ahaan magaalada Kismaayo waxaa aad looga dareemayaa diyaar garowga loo galay doorashadaana, waxaana socda ololaha musharraxiinta ay ka wadaan magaaladaasi.

Shacabka Kismaayo markii ugu horeysay sanado badan ka dib waxa ay arkeen siyaasiyiin xil doon ah, una taagan xilka Jubbaland, misane olole ka sameynaya magaaladooda.

Wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo waxaa lagu arakayaa boorar waaweyn oo ay isku soo sawireen musharraxiinta, waxaana mid walba hoos looga qoray kalmado yar misane micno badan xambaarsan.

Waxaa kordhay duulimaadyada magaalada Kismaayo ay diyaaraduhu ku tagayeen, marka loo eego xilliyadiii hore kahor inta aan la gelin qaban qaabada doorashada Jubbaland.

Magaalada Kismaayo waxaa gaaray siyaasiyiin badan, xildhibaanno, waxgaradka iyo sidoo kale weriyayaal dalka iyo dibadda ka yimid si ay u tabiyaan doorashada dhici doonta.

YAA TAAGEERSAN DOORASHADA?

Waa su’aal ay dad badan is weydiinayaan, maadaama dadka dhegahooda ay kusoo wada dhacday in doorasho ay dhici doonta 1-dii bishaan aynu ku guda jirno.

Waxaa doorashadaan taageersan wadamada sida aadka ay saaxiibada u yihiin Jubbaland iyo sidoo kale maamulka Puntland oo la sheego in maamulada kale siyaasad ahaan isaga dhaw yihiin.

Waa macquul in ay jiraan dowlado magac leh oo doorashadaan taageersan, hase ahaatee sida looga bartay wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya waxa ay ka hadlaan oo kaliya marka ay wax dhacaan.

Kahor inta aysan doorashada dhicin waxaa magaalada Kismaayo gaartay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, iyada oo kullan la qaaday Madaxweyne Axmed Madoobe.

Maalintii uu kulankaasi dhacay isla habeenkeedii Madaxweyne Madoobe waxa uu baarlamaanka Jubbaland ka dalbaday in waqti lagu daro mudada doorashada inkastoo laga diiday.

Hadaba dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa waxay sheegayaan in dalabkaasi uu ahaa mid Axmed Madoobe laga soo dalbaday.

KAALINTA DOWLADDA FEDERAALKA

Dowladda Soomaaliya oo hadda dhexdeeda isku mashquulsan ayaan hadda si cad u muuqan kaalinteeda ku aadan doorashada ka dhici doonta magaalada Kismaayo.

Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu gabi ahaanba diiday baarlamaanka Jubbaland ee berri wax dooran doona, iyadoo xildhibaano shir ku qabtay magaalada Muqdisho ay gabi ahaanba diideen doorashadaasi.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in aan weli la xalin khilaafkii dowladda iyo Jubbaland, xilli maamulkaasi aanu kasoo qeybgalin shir magaalada Muqdisho dabayaaqada bishii hore ka dhacay.

Weli xukuumadda Soomaaliya ma aysan caddeyn mowqifkeeda ku aadan in doorashadaasi ay dhacdo iyo in kale, iyo hadii halkaasi wufuud loo dirayo.

SABABTA AY DOORASHO U DHACEYSO

Bishii August 2013 khilaaf iyo dagaallo dhacay ka dib waxaa heshiis dhowr qodob ka kooban magaalada Addis Ababa ku gaaray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Hadaba qodoba heshiiskaan oo aan wax idin ka xusuusin donno ayaa waxaa ka mid ahaa in maamulkaasi uu shaqeyn doono oo kaliya Laba Sano, yahayna KMG, sidaa darteed ayeey sabab uga dhigeen in ay doorasho dhacdo.

XUSUUSIN QODOBADA HESHIISKII ADDIS ABABA

28-kii August 2013 ayaa magaalada Addis Abab lagu kala saxiixday heshi ka kooban 10 qodob oo ay gareen dowladda iyo Jubbaland.

Heshiiskaan waxaa garwadeen ka ahayd dowladda aynu deriska nahay ee Itoobiya, iyadoo qodobada Labada dhinaca ku heshiiyeen ay kala ahaayeen:-

    • Maamulka uu ka Arrimin doono Mudo Labo Sano ah Jubbooyinka iyo Gedo.
    • In Magaca Maamulka uu noqonaayo Maamulka KMG ah oo la dhaho Jubba.
    • In Sadax Gudoomiyaal loo sameeyo Sadaxda Gobol ,oo Hoos imaanaayo Axmed madoobe.
    • in Maamulka Dekada Muddo Lix bil ah uu hayo Axmed madoobe ka dib Dowladda Lagu soowareejiyo
    • In Nabad galyada laga shaqeeyo.
    • in Maleeshiyaadka la qalabeeyo laguna Daro Ciidamaddda Qaranka.
    • in laqabto shir Dib u heshisiin loogana hadlaayo Arimaha Juboyinka iyo Gedo kaasi oo ka dhicidoono Kismaaiyo, iyo Muqdisho.
    • in Axmed Madoobe uu soo dhiso Maamul KMG ah lana dhiso Barlamaan iyo Fulin.
    • in Garoonka Diyaaradaha uu Mudo Bil ah Maamulo Maamulka Jubba ka dib lagu wareejiyo Dowladda.
    • in Maamulka Axmed Madoobe uu aqoonsado Dowladda Federaalka lana shaqeeo.

 

Hadababa qaar ka mid ah qodobadaan waa ay dhaqan galeen, qaarkoodna uma fulin sidii loogu tala galay.

KU KALA ARAGTI DUWANAANSHO

Xildhibaan, Siyaasi, Oday dhaqameed iyo inta daneysa arrimaha Jubbaland isku aragti kama ahan waxa ka socda magaalada Kismaayo, qaarkood waxa ay kasoo horjeedaan in ay dhacdo doorasho, kuwo kalena aad bay ula dhacsan yihiin waxa soconaya.

Xildhibaanada hadii aynu gaar ahaan u eegno Laba aragti ayeey kala qabaan, qaarkood waxa ay leeyihiin Baarlamaankii ayaaba diiday baarlamaanka Jubbaland ee wax dooran doona, kuwana iyaga oo og arrinkaasi ayeey hadana u sacaba tumayaan in doorasho lagu qabto magaalada Kismaayo.

Waxaa jira Odayaal qaarkood aan ku sugneyn Kismaayo in ay aad u dhaliilayaan hanaanka ay doorashada u dhacayso, kuwo kale oo magaalada iyo banaankeeda ku sugan iyaguna taageero weyn bay u hayaan dooarashadaasi.

Siyaasiyiinta ayaa ah kuwo ugu daran aragti ahaan maxaa yeelay meel si gaar ah loo raaciyo malahan, qaar badan oo mucaarad ah oo ayaad arkaysaa hadana degdeg u taageeraya maamulkaasi, balse waxaa hadda iska muuqata in kala aragti duwanaanshaha ay taagan tahay.

GUNAANAD

Khilaaf ha jiro ama yuusan jirin, dowladi ha taageerto ama ha diido, caalamka ha u sacaba tumeyn ama haka aamuseyn waxa ka socda maagalada Kismaayo, waxaa berri dhacaysa doorashada Jubbaland.

Kismaayo, waxa ay tahay meesha kaliya ee la wada eegayo, mucaarad iyo muxaafidba waxaana qoraalkaan kusoo gunaanadeynaa ciwaanka sheekada ee ah Doorashada Kismaayo Waa La Wada Eegayaa!

Goobjoog News

 

Mawduucyada:Gobollada