U bood dhigaalka

Kismaayo: Qaxootigii Kasoo Laabtey Kenya Oo Cabasho Ah

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah Qaxootigii Soomaaliyeed ee dib uga soo laabtey xeryaha qaxootiga Kenya, islamarkaana ku sugan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa xilligaan waxay ka cabanayaan xaalado adag oo dhanka nolosha ah.

Waxay dadkani sheegeen in aysan haysan daryeel dhanka nolosha ah islamarkaana ay xilligaan u baahan yihiin wax walbo oo nolosha ay ku maareen karaan.

Axmed Cali Cabdi wuxuu kamid yahay dadka dib uga soo laabtey xeryaha Dhadhaab, wuxuu sheegay in hadda ay ugu daran tahay, Waxbarasho, Biyaha iyo sidoo kale caafimaadka oo halka ay joogaan aysan ku haysan.

Wuxuu tilmaamay Axmed, in Xeryihii ay ku sugnaayeen ay intaasi ku haysteen, balse hadda ay waayeen.

“Annaga markii aan qaxootiga joogney waan heysannay waxbarasho, caafimaad, biyo iyo raashiin haba yaraadee, laakiinse hadda intaba ma aragno, waxaan u baahannahay in aan helno waxyaabaha muhiimka u ah nolosheena” ayuu yiri Axmed.

Waxaa jira dad kale oo la aragti ah Axmed, inkastoo qaar kamid ah dadkii dib ugu soo laabtey dalkooda ay billaabeen iney abuurtaan shaqooyin ay noloshooda ku maareen karaan.

Dalka Kenya waxaa dib uga soo laabanaya qaxooti Soomaaliyeed oo halkaasi ku noolaa in ka badan 20 sano.

Goobjoog News