Kismaayo: Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada Oo Maalintii Labaad Galay

Waxaa maalintaa Labaad u galay shirka madaxda dowlad goboleedyada ay ku leeyihiin magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa furitaankii shirkan waxay ka jeediyeen hadallo ay inta badan ku dhaliilayaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen in dowladda ay gacan bidixeeneyso maamullada dalka ka jira, caalamkana ay si kale wax u fahamsiiso.

Maanta ayaa waxay gudagalayaan inta ka hartay ajendaha shirkooda, waxaana ay si gaar ah uga hadli doonaan arrimaha ku aadan xiriirka maamulladan.

Gabagabada shirkan ayaa waxay kasoo saari doonaan war-murtiyeed ay kaga hadlayaan xaaladda guud ee dalka iyo sidoo kale xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW