U bood dhigaalka

Kooxda Galmudug oo Galabta u Gudubtay Afar Dhammaadka Tartanka iyo Wax Weliba oo Ku Saaban

Sheeko:Dalka

Waxaa goordhow garoonka ciyaaraha ee koonis Stadium ee gobolka Banaadir kusoo gabagaboobay ciyaar u dhaxeysay kooxaha Hirshabeelle iyo Galmudug, taas oo qeyb ka aheyd tartanka Maamul gobobeedyada, labada kooxood ayaa  soo bandhigay ciyaar ay aad ujeceleysteen madaxdii iyo taageerayaashii ku sugnaa garoonka.

Ciyaarta ayaa qeybtii koowaad waxaa ay kusoo dhammaatay 1-0 oo kooxda Hirshabeelle ay ku horkaceysay, markii la isku soo laabtay ayaa Galmudug waxaa ay la timid Goolka barbaraha ah, ciyaarta ayaana noqotay 1-1,taas oo Galmudug u arkaysay in ay u tahay faaiido maadaama ay ku soo gudubi laheyd haddii ay sidaas ku soo idlaato.

Wixii intaas ka dambeeyey labada dhinac ayaa bilaabay wareerar iyo weerar celin, maadama Hirshabeelle ay u haabneyd guul si ay ugu gudbto wareega afar dhammaadka tartanka, laakiin waxaa rajadaas ceel salkiisa ku riday Xasan Maxamed Xasan oo Galmudug u dhaliyey Goolkii guusha dhammaadkii ciyaarta taas oo ka dhigtay 2-1.

Hirshabeelle ayaa waxaa ay boorsooyinkooda ka xirxiratay garoonta Koonis, waxaa sii raaci doona Jubbaland oo sugaya kulanka Puntland iyo Koonfur Galbeed oo haddii Puntland looga adkaado 2- 0 ay Jubbaland ay ka saacidi doonto in ay sii joogto tartanka, Laakiin Puntland oo Koonfur Galbeed ka adkaato ayaa daaqada ka saaraysa.

Kooxaha Gobolka iyo Galmudug ayaa ilaa iyo hadda tartanka kala yimid 4 dhibcood, halka Koonfur Galbeed oo Puntland la madlansana ay leedahay 3 dhibcood, Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa ay wataan min 1 dhibac, waxaana la sugayaa kooxda soo afareyn doonta gobolka Banaadir Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo fit ah.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada