Kooxo Hubeysan oo Is Hor Taagay Dhisme ka Socday Waddo Isku Xireysa Awdal iyo Jabouti

Maamulka  gobolka Awdal ayaa sheegay iney sharciga la tiigsan doonaan kooxo hubaysan oo is hor taagay dhismaha waddo muhiim ah oo isku xireysa gobolka Awdal ee Somaliland iyo dalka Jabouti, taasi oo soconeysay Afartii bilood ee ugu dambeysay.

Shir jaraa’id oo ay magaalada Borama ku qabteen masuuliyiin uu ka mid  yahay guddoomiyaha gobolkaasi Mustafe Cabdi Ciise ayaa waxay sheegeen iney  tahay arrin laga xumaado in horumar bulshada u soo kordhaaya laga hor yimaado, “Waxaanu u sheegeynaa dadka inaaney suurogal ahayn in dantii bulshada cid gaar ah ay ka hor imaaddo,  raggani oo hubaysan ayaa weerar ku soo qaaday goobtii ay shaqadu ka socotay  waxayna sheegeen in la joojiyo shaqada oo ay ku tilmaameen in dhul ay gaar u leeyihiin la isticmaalay taasina waxba kama jiraan ee dhulka dawladda ayaa leh”, ayuu yiri guddoomiyuhu.

Dhinaca kale, madaxda dhaqanka ee gobolkaasi ayaa sheegay iney garab taagan yihiin waxqabadka  ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo  la timaaddo , iyaga oo arrintan ku tilmaamay mid dhabar jab ku ah hanka shacabka, waxayna intaasi ku dareen iney dhib weyn dadka rakaabka ahi ay kala kulmaan jidkaasi isku xiraya Borama iyo Xuduudka Jabouti.

Maayarka degmada  Borama  Maxamed Axmed Maydhane  ayaa isna sheegay inay degmo ahaan diyaariyeen sidii looga hor tagi lahaa dadkaasi isku dayaaya iney joojiyaan shaqada socota.

Jidkan isku xira Jabouti iyo Awdal ayey baabuurtu u kala socotaa ugu yaraan 13 saacadood taasina waxa lagu sababeeyaa  jidka oo ah mid aad raf u ah oo baabuurtuna ay dhibaato culus ku qabaan ku socodkiisa.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW