Dhageyso: Kulamada Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabelle Oo Maanta Dib u Billaabanaya

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa iney dib u billowdaan kulamada xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabelle, kuwaasi oo aan wax kulan ah yeelan Bilihii ugu dambeeyay.

Xildhibaan C/rashiid Warsame oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Hirshabelle ayaa Goobjoog News u sheegay in xildhibaannadii ugu badnaa ee maamulkan ay soo gaareen Jowhar, si loo amba qaado howlaha horyaalla baarlamaankooda.

“Xildhibaanno ku filan furitaanka kulanka waa ay joogaan, badi fasax ayaan ku maqneyn laakiinse hadda waan joognaa, maanta ayuuna kulanka furmayaa” ayuu yiri xildhibaanka.

Waxaa jiray xildhibaanno sheegay iney wadaan mooshin ka dhan ah madaxweynaha maamulka Hirshaballe, kuwaasi oo sugayey in shaqada baarlamaanka ay dib u bilaabanto.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW