U bood dhigaalka

Kulamo Looga Arrinsanayo Maamulka Loo Sameynayo Shabellaha Dhexe Iyo Hiiraan Oo Ka Soconaya Baladweyne

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne waxaa maalmihii dambe ku sii qulqulayay xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo gobalka Hiiraan kasoo jeeda, kuwaas oo ka qeyb galaya shirarka looga tashanayo qabsoomidda shirweynaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe iyo waliba qaabkii looga qeyb qaadan lahaa.

Shalay waxaa magaalada  Baladweyne gaaray wafdi xildhibaanno iyo xubno siyaasiyiin ah waxaana horay ugu sugnaa xildhibaanno kale oo isla dowladda Federaalka ka tirsan.

Magaalada Baladweyne ayaa isku diyaarisay qabsoomidda shirka maamulka loogu dhisayo Labadaasi gobala

Ammaanka magaalada Baladweyne ayaa guud ahaan ah mid ay aad u adkeeyeen ciidamada dowladda Federaalka ah.

Dhinaca kale waxaa xoogaa is faham waa uu ka taagan yahay halka uu shirka ku qabsoomi doono, maadaama waxgaradka Baladweyne iyo Jowhar ay kala dalbanayaan gogosha lagu dhisayo maamulka cusub.

Goobjoog News