U bood dhigaalka

Kulamo Looga Hadlayo Amniga Mudug Oo Ka Socda Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Mudug ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay kulamo looga hadlayey ammaanka, kuwaasi oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee arunta gobolkaasi.

Guddoomiye xigeenka amniga gobolka Mudug ee Galmudug, Cabdi Sheekh Xuseen ayaa isagoo la hadlahay Goobjoog News, wuxuu sheegay in kulamada ka soconaya Gaalkacyo diiradda lagu saarayo sidii magaaladaasi ay uga caaganaan lahayd dagaal beeleedyada iyo falalka ku saleysan aargoosiga qabiil.

Waxa uu tilmaamay in kulamadan ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiinta gobolka Mudug ee Puntland iyo Gaalkacyo, waxgarad, culimo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Kulamadan waa kuwo aad u muhiim ah, looma kala harin Labada dhinac, dhanka dowladda waxaa ka socda taliyaha ciidanka xoogga dalka, waxyaabaha laga wada hadlayo ayaa ah sidii laga yeeli lahaa wixii horey u dhacay, kuwa soo socoda iyo sidii Gaalkacyo iyo guud ahaan Mudug nabad u ahaan lahayd” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dedaal badan ku bixiyey sidii looga shaqeyn lahaa nabadda guud ee magaalada Gaalkacyo, maadaama magaaladaasi ay kusoo noqnoqdeen falal amni darro.

Goobjoog News