Somaliland: Kulan Ay Soo Qabanqaabiyeen Salaaddiin Ayaa Lagu Dhex-dhexaadiyay Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro

Kulan ay soo qabanqaabiyeen qaar ka tirsan salaaddiinta Somaliland oo lagu dhex-dhexaadiyay Labada Musharrax ee u taagan qabashada xilka madaxtooyada Somaliland ee kala ah C/raxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa ka dhacay Hargeisa.

Labadan musharrax ee kala hoggaamiya xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye iyo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa maalmihii lasoo dhaafay isku marinayay saxaafadda hadallo xanafleh oo midba midka kale uu ku doonayay inuu kaga saaro saaxada siyaasadda Somaliland.

Wargeyska Geeska ee ka soo baxa gudaha Somalialnd ayaa soo daabacay kulanka oo ahaa mid ay albaabadu u xiran yihiin, wargeyska waxa uu la hadlay qaar ka mid ah salaadiinta oo u xaqiijiyay kulanka iyo in la is hor fariisiyay labada mas’uul oo si  fool ka fool ah u wadahadalay.

Salaadiinta ayaa labada mas’uul ka codsaday iney ka fogaadaan hadallada xanafta leh ee la isku marinayo hawada, kuwaas oo keeni kara dhibaato gaar ah iyo amni xumo.

Waxa kale oo ay salaaddiintu miiska soo saareen in dib loo dhigo doorashooyinka soo aaddan ee 2017, loona ballan san yahay dhamaadka bisha March ee soo aaddan maadaama ay jirto abaaro ba’an oo dad iyo duunyaba saameysay. Mas’uuliyiinta fadhiga lagu heshiisiinayay waxay tusaaleeyeen in arrimaha doorashooyinka ay guddi u xilsaaran yihiin, sidaa darteedna loo daayo iyaga laga dhursugo.

Si kastaba, dhaqanka Somaliland ayaa ah dhaqan si xoog ah loogu yaqaanno ka shaqeynta arrimaha nabadda, iyagoo ka hortaga wax kasta oo la is oran karo waxay khalkhal ku keeni karaan ammaanka.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW