U bood dhigaalka

Kulan Dhexmaray Guddiga Doorashada Puntland iyo Midowga Yurub

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka Puntland oo uu  dhowaan uu ku dhawaaqay madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kula kulmay magaalada Garowe ee caasimadda maamulkaasi u qaabilsanaha Midowga Yurub Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska midowga Yurub ay ku leeyihiin magaalada Garowe ayaa looga hadlay qorshaha guddiga ee hiigsiga doorashooyinka axsaaba  badan ee Puntland oo horay ay u balan qaaday Madaxweyne Deni inuu gaarsiinayo Puntland.

Afhayeenka guddiga Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq, ayaa sheegay in sheegay in safirka ay la wadaageen warbixinna ay ka siiyeen sida guddi ahaan ay uga go’an tahay hirgalinta iyo gaarsiinta puntland doorashooyinka axsaabta ku dhisan.

Sidoo kale Afhayeenka oo sii hadlaayo ayaa sheegay waxaa uu sheegay in safiirka uu guddiga ku bogaadiyay sida ay howlaha u wadaan,isla markaana uu u balan qaaday in Midowga Yurub uu taageero buuxda siin doono guddiga doorashooyinka Puntland.

Goobjoog News