U bood dhigaalka

Kulan Ka Socda Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Kulankani oo lagaga hadlayo nabadeynta magaalada Gaalkacyo ayaa ka soconaya garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo.

Kulanka ayaa u dhaxeeya guddiyada labada dhinac ee maamullada Galmudug iyo Puntland waxaana goobjoog ka ah beesha caalamka.

Guddiyada labada dhinac ayaa ka wada hadlaya dhaqan gelinta heshiiskii xabad joojinta iyo sidoo kale sidii looga shaqeyn lahaa nabadda gobolka Mudug.

Wakiilka IGAD  u soo magacowday arrimahani Axmed Jirde Qalinle ayaa kulanka ku sugan oo ka qeyb galaya.

Guddoomiyeyaasha gobolka Mudug ee labada maamul Cabdirashiid Cartan Iyo Xasan Abgaalow ayaa kulanka qeyb ka ah oo ku wada sugan.

Magaalada Gaalkacyo ayaa todobaadkii la soo dhaafay laga dareemay saansaan colaadeed kadib markii magaalada dhex bartankeeda ay ciidamada maamullada Galmudug iyo Puntland iska hor imaad uu ku dhexmaray waxaana jirta cabsi ay dadku ka qabaan in dagaal dhaco.

Goobjoog News