U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlay Abaarta Iyo Saameynta Diidmada Lacagta Shilin Soomaaliga Oo Lagu Qabtay Cadaado

Sheeko:Dalka

Kulan lagaga hadlayay abaaraha ka jira deegaannada Galmudug iyo saameynta diidmada lacagaha shillinka Soomaaliga ayaa xalay lagu qabtay madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado.

Madax ay kamid yihiin madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa ka qeyb galay kulankan.

Sidoo kale kulanka waxaa goob joog ahaa guddiga gurmadka abaaraha Galmudug iyo ganacsatada Galmudug ee ku sugan caasimadda magaalada Cadaado.

Waxaa ugu horreyn laga hadlay sida lagu maareyn karo xaaladda dadka ay aadka u saameysay abaarta iyo sidoo kale sidii loo heli lahaa gurmad farobadan.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in Galmudug ay waddo dadaallo loogu gurmanayo dadka weli abaaraha la daalaadhacaya ee ku dhaqan gobollada Galmudug, dhanka kalena mar uu soo hadal qaaday saameynta lacagta shilin Soomaaliga ee deegaanno kamid ah Galmudug laga diiday wuxuu sheegay in la keenayo xal kama dambeys ah oo bulshadu ku qanacdo.

“Annaga waxaa inoo sii dheer abaarta iney si aad ah inoogu sii hartay oo wax roob ah deegaannadan ka da’in dadkii badina ay deegaanno kale u barakaceen oo laga yaabo iney dhibaato la kulmaan, qorbejoogta, Ganacsatada Galmudug, dowladda Federaalka iyo beesha caalamka waxaan ka dalbaneynaa in gurmad degdeg ah ay lasoo gaaraan shacabka Galmudug” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Galmudug oo ay saameysay abaarta ayaa hadana waxaa dadka ugu darsamay in laga diido in wax looga iibsado lacagta shilin Soomaaliga ah.

Goobjoog News