U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayey Arrimaha Xuduudaha Dalka Oo Maanta Lagu Qabtay Magaalada Cadaado

Sheeko:Dalka

Degmada Cadaado ee gobolka Mudug ayaa maanta waxaa lagu qabtay kulan ballaaran oo looga hadlayey arrimaha federaalka iyo xuduudaha dalka.

Kulankaan oo isugu jira wacyigelin iyo ka wada tashi arrimaha Xuduudaha waxaa qaban qaabadiisa iska kaashaday maamulka Galmudug, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka ee dowladda Federaalka, iyo hay’adda UNDP.

Waxaa Kulankani ka qeybgalay wasiirro ka tirsan maamulka Galmudug, Xubno ka socda guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo Federaalka Dowladda Soomaaliya, iyo mas’uuliyiin kale, waxaana kulankaan oo Hal maalin ahaa loo qabtay illaa 100 qof oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool deegaannada Galmudug.

Guddomiye ku xigeenka guddiga madaxa banaan ee xuduudaha Muuse Waxgarad Cabdullaahi ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay la tashiyo bulshada lagala sameeyo arrimaha Xuduudaha iyo Federaalka.

“Ulajeedka socdaalkeena waxa uu ahaa wacyigelin iyo wadatashi looga hadlayo arrimaha Federaalka iyo Xuduudaha, inaan Fikirkiina helno sharciga nalagu dhisay ayaa cadeynaya, sidaa darteed waxaan idiin kugu nimid inaan idiin la tashanno” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Guddoomiyaha degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud Cabadullaahi Cabdiraxmaan Xuseen oo kullankaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay ka jiraan arrimaha xuduudaha dalka, loogana baahan yahay in guddigaan uu xal u keenno arrinkaasi.

“Guddiga xuduudaha waxaan u sheegayaa in baahi badan loo qabo arrimaha xuduudaha, dalka sidii ay dowladiisii u burburtay bay xuduudihiina u burbureen, waxaan oganahay deegaanno ka tirsan Galmudug int ay xuduudkiisii soo dhaafeen ciidamada Itoobiya ay dadkii deegaannadaasi deganaa waxay leeyihiin ka guura oo waa Itoobiya, 35 KM ka soke ayeey dadkii leeyihiin ka guura, waxaan qiyaasayaa in guddigaan xoogiisu yahay ka shaqeynta xuduudaha Soomaaliya dhexdeeda ah, waxaan rabnaa in fikirkiina ku cabirtiin in xuduudaha Soomaaliya loo sameynayo aanay noqon mid qabiil ee loo eego dowlad gobaleed” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Cadaado.

Sidoo kale wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Galmudug Cismaan Maxamed oo isna kulankaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay sharaf u tahay in Cadaado ay tagaan guddiga xuduudaha islamarkaana ay aragti uruurin ka sameeyaan shacabka Galmudug, waxaana uu tilmaamay in guddigan uu muhiimad gaar ah xilligaan la joogo u leeyahay Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo Federaalka ay magaallada Cadaado ku qabtaan kullan noocan oo kale ah, tan iyo intii la dhisay maamulka Galmudug State.

Goobjoog News