U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayey Doorka Dhallinyarada Ee Siyaasadda Qaran Oo Lagu Qabtay Cadaado

Sheeko:Dalka

Kulan looga hadlayey siyaasadda qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud, waxaana ka qeybgalay kullankaasi 70 dhallinyaro ah oo ka kala yimid deegaannada Galmudug.

Kulankaan waxaa qaban qaabadiisa iska kaashaday wasaaradda dhallinyarada xukuumadda Soomaaliya iyo tan maamulka Galmudug, waxaana lagu falanqeeyay doorka dhallinyarada ee siyaasadda Qaranka.

Ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay Caruuse Macallin Maxamed oo ah guddoomiyaha ururka dhallinyarada ee Galmudug waxaana uu sheegay in fursad ay tahay inay ka talo dhiibtaan qorsheyaasha ay waddo wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaradaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu kullankaasi ku sheegay inuu yahay mid fursad weyn u ah dhallinyarada Soomaaliyeed, islamarkaana ay dhiiban doonaan fikirkooda ku aadan siyaasadda qaran.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhallinyarada ay haysato dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin tahriibka, qaarkood oo loo adeegsado ka shaqeynta amni darrada dalka iyo arrimo kale.

Xeerka dalka lagu dhaqayo ayuu sheegay inay muhiim tahay inay qeyb ka noqdaan dhallinyarada kaasi oo uu sheegay in looga bixi karo marxaladaha kala duwan ee iminka dalka uu marayo.

Agaasimaha waaxda dhallinyarada ee wasaaradda dhallinyarada Cabdullaahi Cabdi Maxamed iyo Ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ballaarinayaan wada hadallada dhallinyarada, islamarkaana ka wasaarad ahaan ay ku dadaalayaan inay tagaan dhammaan deegaannada Galmudug ka kooban tahay.

Waxa uu sheegay Agaasimaha in wasaaradooda ay uruurinayo dhammaan fikirada dhallinyarada ayna doonayaan inay arkaan dhallinyarada waxay doonayaan.

Goobjoog News