U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayo Doorashooyinka Dowladaha Hoose Ee K/galbeed Oo Ka Furmaya Baydhabo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu qabto shir ballaaran oo la doonayo in looga hadlo doorashooyinka dowladaha hoose ee K/galbeed.

Shirkaan waxaa ka qeybgali doona xubno ka socda wasaaradaha arrimaha gudaha ee maamul goboleedyada dalka ka jira, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo sidoo kale xubno matalaya ururka Midowga Yurub.

Waxaa la shaacin doonaa qaabka ay u bilaaban doonto doorashooyinkaan iyadoo marka ugu horreysa lagu bilaabi doono 5 degmo oo K/galbeed ah.

Shacabka ku dhaqan magaalooyinka Baydhabo, Berdaale, Xudur, Ceel Barde iyo Baraawe ayaa dooran doona maamulkooda, waxaana la filayaa sidoo kale in doorasho sidaan oo kale ah ay qabtaan maamul goboleedyada dalka ka jira.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News