U bood dhigaalka

Leego: Maamulka Oo u Digey Gaadiidleyda

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose, ayaa uga digay darwallada kaxeeya gaadiidka dadweynaha ee ka howlgala deegaankaasi in ay socdaan xilliyada habeenkii ah.

Guddoomiyaha deegaankaasi Abuukar Cabullaahi oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in maadaama Labadii habeen ee lasoo dhaafay uu bandow saarnaa deegaankaasi in aysan xilliyada habeenkii ah socon karin gaadiidka dadweynaha.

Waxa uu sheegay in haddi ay dhacdo in la qabto gaadiid dhex socda degmadaasi wixii ka dambeeya Salaadda maqrib in tallaab adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

“Gaadiidleyda waxaan u sheegeynaa in sharciga lagu qaadi doono ciiddii jabisa bandowga aan kusoo rognay Leego, habeenkii lama socon karo, lagama bixi karo, lamana soo geli karo Leego iyo nawaaxigeeda” ayuu yiri guddoomiyaha.

Bandow habeenkii ah ayaa saaran deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose, kadib markii ay soo bateen weerarada Al-shabaab ay xilliyada habeenkii ku qaadaan deegaankaasi.

Goobjoog News