U bood dhigaalka

Maamul Gobaleedyada Dalka Oo Loogu Baaqay Inay Ka Shaqeeyaan Danaha Shacabka Iyo Dalka

Sheeko:Dalka

Axmed Shire Falagal oo mar soo noqday wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay dhammaan maamul gobaleedyada ka jira dalka inay ka shaqeeyaan danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Mas’uulkaan ayaa u waramay Goobjoog News isaga oo ku sugan dalka Britten ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aadan hiigsiga 2016 iyo arrimo kale.

Soomaaliya ayuu sheegay inay u baahan tahay oo kaliya in loo midoobo wax walba oo dalka quseeya, lagana shaqeeyo aayaha dalka si loo gaaro is aaminad, kala dambeyn iyo dowladnimo.

Dhinaca kale Axmed Shire ayaa mar uu ka hadlayay aragtida ah in Soomaalida ay wax ku qeybsato hanaan degmo ayuu sheegay inay tahay mid aan socon kareyn maadaama uu sheegay in horay Soomaalida ay ugu dagaallameen arrimaha degmo wax ku qeybsi.

“18 gobal wax halagu qeybsado waxay ka dhigan tahay mar kale hala dagaallamo, waa qalad in marnaba waxaasi miiska wada hadalka la keeno, waxaad la socotaan in Soomaali ay horay arrinkaasi ugu dagaallameen, waxa kaliya ee loo baahan yahay waa in laga wada hadlaa waxa Soomaalida ay ku heshiin karto waxna ku qeybsan karto” ayuu yiri Axmed Shire.

Ugu dambeyn ayaa wasiirkii hore ee warfaafinta Galmudug waxa uu ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan inay iska ilaaliyaan wax walba oo kala geyn kara midnimadooda.

Goobjoog News