U bood dhigaalka

Maamulka Baladweyne Oo Sheegay In Amniga Ay Adkeyn Doonaan Inta Lagu Guda Jiro Bisha Ramadaan

Sheeko:Dalka

Maamulka magaalada Baladweyne ayaa sheegay in ay adkeyn doonaan ammaanka guud ee magaaladaasi inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, lana dardar gelinayo howlaha amni xaqiijinta ah.

Gudoomiyaha magaaladaasi Maxamed Cismaan Macallin Qalaafow oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada amniga looga baahan yahay in ay dardar geliyaan qorsheyaasha amniga, waxaana dhinaca kale uu fariin u diray dad uu sheegay in ay caadeystaan inay huriyaan dagaal beeleedyada.

“Waxaa jira xilliga cibaadada in kooxaha nabad diidka ah ay beegsadaan bulshada, aniga oo fursadaan ka faa’ideysanayo waxaan farayaa ciidamada amniga iyo kuwa hiil walaal in ay amniga aad u adkeeyaan, sidoo kale waxaan ugu baaqayaa dadka ku howlan dagaal beeleedyada in iyaguna ay bisha Ramadaan awgeed wax walba ku iloobaan oo nabadda ka shaqeeyaan” ayuu yiri gudoomiyaha.

Sidoo kale gudoomiyaha magaalada Baladweyne ayaa digniin u diray dadka caadeystay in xilliga maalintii ah ay furaan goobaha cuntada iyadoo bisha Ramadaan lagu guda jiro, waxaana uu sheegay in tallaab adag ay ka qaadi doonaan.

“Waxaan u digeynaa dadka Alle ka jeestay ee xilliga Ramadaanka raashiinka bisil gadaya maalin cad, waxaan leeyahay waa inaad ka feejignaataan, ciidamada ammaanka idinka ayeey idinku soo maqanyihiin, tallaab cad ayaana la idinka qaadi doonaan” ayuu hadalkiisa raaciyay Gudoomiye Qallaafow.

Goobjoog News