U bood dhigaalka

Maamulka B/weyne Oo Fariin u Direy Hay’adaha Samofalka Ah

Sheeko:Dalka

Guddiga gurmadka abaaraha ee uu magacaabay maamulka gobolka Hiiraan ayaa kulan looga hadlayey sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira gobolkaasi, waxa ay la qaateen madaxda hay’adaha samofalka ah iyo ururada bulshada rayidka.

Guddoomiyaha maamulka B/weyne Maxamed Axmed Food Cadde oo kamid ah guddiga gurmadka abaaraha iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa kulankaasi hadallo ka jeediyey, waxaana lagu dheeraaday sidii degdeg wax loogu qaban lahaa dadka abaarta hayso.

Guddoomiye Food Cadde ayaa sheegay in loo baahan yahay in gacan hagar la’aaneed loogu gurmado shacabka abaarta ku hayso gobolka, islamarkaana hay’adaha dhankooda looga baahan yahay iney kaalin mug leh ka qaataan gurmadkaasi.

“Waxaan ka hadalnay in nin walbo waxa uu heli karo uu keeno, dadkaan oonka iyo gaajada leynayso ayaan rabnaa inaan wax un u geyno, ka maamul ahaan annaga 100 booyadood oo biyo ah ayaan ku bilaabeynaa, 50 ayaan haynaa waan sii wadeynaa, wax la diidayo maleh si dadkaan loogu gurmado, 1 doolar xitaa lama diidayo, inaan dhexda xiranno oo dadka u miciinno waa muhiim, hay’adaha waxaan u sheegeynnaa in ciddii wax haysa ay hadda keento, laakiinse markii roob inoo da’o cidna kama yeeli doonno waxaan bixineynaa” ayuu yiri guddoomiyaha.

Deegaannada kala duwan ee gobolka Hiiraan waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada, waxayna u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

Goobjoog News