U bood dhigaalka

Maamulka B/weyne Oo Ku Baaqay In Lasoo Afjaro Colaadaha Ka Jira Hiiraan

Sheeko:Dalka

Maamulka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku baaqay in lasoo afjaro colaado ka jira deegaanno kamid ah gobolkaasi, xilli aano qabiil darteed gobolka Hiiraan loogu diley Saddex qof.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne, Maxamed Axmed Food Cadde ayaa sheegay in colaadda ka dhacday deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan ay tahay mid aad u xanuun badan, islamarkaana ka maamul ahaan ay ka xumaadeen dadkii la diley.

Waxa uu ugu baaqey dhinacyada isku haya deegaankaasi iney ogaadaan in dadka oo dhan ay wada siman yihiin, Soomaali yihiin, islamarkaana muhiim ay tahay inaan lagu dagaallamin dhul daaqsin ama baraag biyood.

“Colaadda ka dhacday Teedaan, dhexmartay dadka walaalaha ah waxaan leenahay waa arrin xanuun badan, waxaan ilaahay uga baryeenaa inuu biyo qabow ku shubo, dadka walaalaha ah waxaan u sheegeynaa in dadka abaarta isku keentay, sidaasi darteedna ay muhiim tahay in wax la isla qeybsado, biyo la isla cabo, baadkana la isla quuto” ayuu yiri guddoomiyaha B/weyne.

Ugu yaraan Saddex qof ayaa aano qabiil loogu diley deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan kadib muran ka dhashay baraag biyood halkaasi ku taallay.

Goobjoog News