U bood dhigaalka

Maamulka Ceel-Buur Oo Goobjoog Uga Warramay Qorshe Looga Saarayo Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamullka degmada Ceel-Buur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inay wadaan qorshe iyo hawlgal ka dhan ah xarakada Al-shabaab ee ku sugan degmadaasi, si gacantooda looga bixiyo.
Gudoomiayaha  Dibad joog ah ka ah degmada Ceel-Buur Nuur Xasan Gutaale ayaa Goobjoog u sheegay in Ciidamda loo diyaarinayo sidii degmada Al-shabab ay uga saari lahayeen si gurmad loo gaarsiyo dadka shacabka ee dhibateesan.
Waxaa kale uu sheegay in dawladda dhexe iyo maamulka Galmudug uu kala hadlayo arimaha degmada iyo sida ay shacabka uugu bahan yihiin in maamulka dawladda uu gaaro.

Ceel Buur waxaa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu waaweyn ee gobollada dhexe ay gacanta ku hayaan xarakada Al-shabaab, waxaa sidoo kale maamulkeeda sheegta maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada