U bood dhigaalka

Maamulka Deegaanka Badhaadhe Ee J/hoose Oo Beeniyay In Al-shabaab Ay La Wareegeen Deegaankaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Badhaadhe ee gobalka Jubada Hoose ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in deegaankaasi ay la wareegeen Xarakada Al-shabaab, kadib markii ururkaasi uu baraha internetka ku baahiyay in Badhaadhe ay qabsadeen.

Gudoomiyaha Badhaadhe Faarax Xaaji oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in deegaankaasi ay iyaga ku sugan yihiin, islamarkaana aysan waxba ka jirin in deegaankaasi ay faarujiyeen.

“Waa been abuur warkaasi, annaga ayaa joogna, waxaa deegaanka ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo aad u xoog badan marka ma jirto cid la wareegi karto” ayuu yiri gudoomiyaha.

Sidoo kale gudoomiyaha deegaanka Badhaadhe ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhawaan ku wajahan yihiin deegaanno ku dhaw deegaanka Badhaadhe ee gobalka Jubada Hoose halkaasi oo ay maamulaan Xarakada Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa maalin kahor shaacisay in dagaal ay ku qabsadeen deegaanka Badhaadhe ee gobalka Jubada Hoose halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News