U bood dhigaalka

Maamulka Deegaanka Beladul Amiin Oo Ku Guuleystay Xirista Meelihii Deegaankaasi Uga Soo Fatahay Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Baladul Amiin ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay ku guuleysteen Xirista  meelihii wabiga Shabellaha uga soo fatahay deegaankaasi.

Gudoomiyaha deegaankaasi Xaaji Cali Macalin Axmed oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ku dadaaleen arintaasi, iyaga oo kaashanaya mid ka mid ah Hay’adaha gobalkaasi ka howlgala.

Waxa uu tilmaamay gudoomiyaha in loo keenay Jawaano badan, islamarkaana ay ka buuxiyeen ciid (Caro) badan, ayna dhigeen meelihii biyaha kasoo fatahayeen.

Dhinaca kale gudoomiyaha ayaa sheegay in shacabkii horay uga barakacay deegaankaasi ay bilaabeen dib ugu soo laabashada deegaankaasi.

Gudoomiye Xaaji Cali ayaa sidoo kale sheegay in biyahii soo fatahay ay ka dhasheen cuduro Duumada ay ka mid tahay, waxaana uu ku baaqay in gurmad caafimaad lala soo gaaro shacabka ku dhaqan deegaankaasi.

Goobjoog News