U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Buuloburde Oo Guul Ka Sheegtay Dagaal Ay La Galeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Buuloburde ee gobalka Hiiraan ayaa sheegay in guul ay ka gaareen dagaal khasaare sababay oo ay la galeen ciidamada Xarakada Al-shabaab.

Duqa degmadaasi Cabdicasiis Duurow oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Al-shabaab ay kula dagaaleen deegaanka Furoole oo qiyaastii 25 KMG dhanka galbeed kaga beegan degmada Buuloburde.

Waxa uu sheegay in dagaalkaan ay iyaga qaadeen, islamarkaana ay dileen Laba ka mid ah Al-shabaab dhankoodana Hal askari uu ka geeriyooday waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Nimankii Nabadda diidanaa ayaan weerarnay iyaga oo shacab xoolo ka dhacaya, waxaan ka dilnay Laba Nin oo mid ka mid ah aad looga yaqaano degmada, xaaladda aad bay u deggan tahay” ayuu yiri Duqa degmada Buuloburde.

Dhinaca kale mas’uulkaan ayaa sheegay in dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab ay wadi doonaan tan iyo inta ay ka saari doonaan sida uu sheegay guud ahaan deegaanada ku dhaw degmada Buuloburde.

Al-shabaab dhankooda kama aysan hadlin dagaalkaan ay la galeen ciidanka dowladda iyo sidoo kale khasaaraha dhankooda soo gaaray.

Goobjoog News