U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Cadaado oo Mamnuucay in La Dhiso Dhulalka Sharciyada aan Laheyn

Sheeko:War

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa sheegay in maamulka degmadu mamnuucay in la dhiso dhul aan ogolaasho looga haysan waaxda dhul bixinta degmada ama la cabiro dhul banaan oo aan sharciyad loo haysan.

Waxa uu sheegay in go’aankan looga gol leeyahay in lagu ilaaliyo nidaamka dhul bixinta iyo koritaanka degmadu inuu waafaqo qorshaha horumarinta degmada oo ay ku jirto MasterPlan-ka maamulka degmadu samaynayo.

Dhinaca kale maamulka degmada Cadaado ayaa bixiyey dhul 4000m2 ah oo ku yaal agagaarka Doongaalle, kaas oo loogu talo galay in laga hirgaliyo mashruuc waxbarasho oo ka kooban Iskuul hoose dhexe iyo sare oo Jiif ah, masaajid, goob caafimaad, Masaajid iyo Ceelbiyood.

Guddoomiyihii hore ee degmada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole oo bilowgii hindisaha mashruucaas la socday ayaa Guddoomiyaha cusub ee degmada Cadaado ku wareejiyey macluumaadka mashruucaas, isagoo goob joog ka ahaa dhul-bixinta maanta.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa u mahadceliyey hay’adda mashruucan fulinaysa, waxaana uuna faray taliska Booliska degmada Cadaado inay ilaaliyaan dhulka danta guud loo cayimay.

Taliyaha Booliska degmada Cadaado Maxamed Cadceed ayaa dhinaciisa balan qaaday inay ilaalinayaan dhulka danta guud iyo guud ahaan amniga degmada oo ay u xilsaaranyihiin.

Degmada Cadaado oo sanadihii dambe samaynaysay koboc dhinaca dhismaha ah, ayna ka socdaan mashaariic horumarineed ayaa maamulka degmadu xoogga saarayaa in si qorsahaysan magaaladu u fiddo.

Goobjoog News