U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Garbahaarey Oo Dib u Dejin u Sameeyay Qoysas Ku Barakacay Abaaraha

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay dib u dejin u sameeyeen qoysas ku xoolo beelay abaaraha, kuwaa oo dhowaan gaaray degmadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Garbahaarey Aadan Siraad oo u waramay Goobjoog, ayaa sheegay in ay dib u dejintaan u sameeyeen dad gaaaraya 1,500 (Kun iyo Shan Boqol) oo ruux.

Dhammaan dadkaan ayuu sheegay in aysan waxbo haysan, ka dhammaadeen xoolahooda, islamarkaana ay wadaan dedaallo kale oo dadka wax loogu qabanayo.

“Dadkaan waxay ku sugan yihiin xaalad bini’aadannimo, waxay u baahan yihiin gurmad dhanka nolosha ah, waa dad ku cayrtoobay abaarta, waxay kasoo barakaceen deegaannada kale ee gobolka” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka degmada Garbahaarey.

Ugu dambeyn guddoomiye Aadan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe iney gurmad bini’aadannimo usoo fidiyaan dadkaan.

Goobjoog News