U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Garbahaarey Oo Iska Fogeeyay Eedeyn Ah In Ay Jir Dileen Dad Shacab Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo ayaa beeniyay eedeyn loo jeediyay oo ah in ciidamada maamulkaasi ay dhawaan jirdil u geysteen dad shacab ah oo ku dhaqan magaaladaasi ka dib dibadbax ay sameeyeen dadkaasi.

Gudoomiyaha degmadaasi Iimaan Cadow Kaariye ayaa u sheegay Goobjoog News, in marka hore ay ka xun yihiin dibadbaxyadii dhawaan ka dhacay Garbahaarey, waxaana uu sheegay in been abuur tahay wararka sheegaya in ay jirdil u geysteen dadkii dibadbaxayay.

Waxa uu tilmaamay gudoomiyaha in marnaba aysan caburin shacabka ku dhaqan Garbahaarey, hase ahaatee dadkii dibadbaxa dhigayay ayuu ku sheegay kuwo kooban oo aan aragtidooda shacabka kale la qabin.

“Anaga AMISOM wax dhibaato ah aan ku qabno malahan waayo iyaga ayaaba caawiya bulshada, banaanbax yar oo lagu diidayo AMISOM ayaa dhacay, shacab aan dhibaato u geysanay malahan, shacabkana maba u dhameyn dibadbaxaasi, raali gelin ayaan ka bixiyanaa dibadbaxii dhacay maxaa yeelay anaga ayaa madax u ah bulshada” ayuu yiri Gudoomiyaha Garbahaarey.

Dibadbax lagu diidan yahay ciidamada AMISOM ayaa maalmo kahor ka dhacay degmada Garbahaarey, waxaana dibadbaxaasi la sheegay in waxyeelo ay kasoo gaartay dad shacab ah.

Goobjoog News