U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Hobyo Oo Ka Warbixiyey Doon Lagu Soo Qafaashay Koonfurta Mudug

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa ka hadlay doon la sheegay in lagu soo qafaashay Koonfurta Mudug, taas oo laga soo qafaashay xeebaha degmada Xarardheere xilli ay ku wajahneyd magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha maamulkaasi C/laahi Cali Fahad oo la hadlay Goobjoog News, ayaa xaqiijiyey in doonidaasi la keenay xeebaha Koonfureed ee Mudug, waxaana uu sheegay in falalka afduubka ah yihiin kuwo lagu carqaladeeynayo horumarka deegaanka, wuxuuna tilmaamay ineysan awood u lahayn iney la dagaallamaan kooxaha burcad badeedda.

Waxa uu sidoo kale sheegay guddoomiyaha in doonidan ay u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed, islarkaana ay ayaan darro tahay in arrimaha afduubka ay dib ugu soo laabtaan deegaannada Galmudug.

“Waxaa naloo sheegay Afduubkaasi inuu ka dhacay Ceeldheer iyo dhankaasi, ahaydna mid ku socotey Kismaayo, iminkana la keenay deegaanno ku yaalla Koonfurta gobolka Mudug, arrimaha socda waxa weeyeen dayac ka yimid dadka deegaanka oo aan isku tashan, maamulka oo tabar yar oo aan awoodin inuu la dagaallamo kooxahan, tuhunka aan annaga qabno waxay tahay waa barnaamij loogu talogalay in lagu dhibaateeyo deegaanka Galmudug, loogu talogalay in lagu dhibaateeyo horumarka Hobyo”

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka ku dhaqan guud ahaan deegaannada Galmudug, iney la dagaallamaan kooxaha Burcad badeedda oo uu sheegay iney hadda doonayaan iney carqaladeeyaan deegaannadooda.

Waxaa dib dalka ugu soo cusboonaaday qafaalka loo geysanayo maraakiibta iyo sidoo kale doonyaha ganacsi, iyadoo doon kale oo ganacsi, la sheegay in  lagu qafaashay xeebaha Puntland.

Goobjoog News