U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Jowhar Oo Howlgallo Waddo Furis Ah Ka Billaabay Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Jowhar ee gobalka Shabellaha dhexe ayaa degmadaasi ka billaabay howlgallo waddo furis ah, taasi oo lagu doonayo in lagu soo celiyo bilicda maagaladaasi.

Xaafadda Horseed ee degmada Jowhar waxaa ka billawday howlgal ballaaran oo lagu burburinayo dhismayaasha ku yaalla hareeraha waddooyinka degmadaasi, kadib markii wadooyinkii waaweynaa ee xaafadahaasi ay dad shacab ah dhisteen.

Cabdiqaadir Cabdulle Maxamed oo ah gudoomiyaha degmada Jowhar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dhamaatay digniintii la bixinayay, islamarkaana haatan howlgalka uu u billawday qaabkii loogu tala gaalay.

Waxa uu ugu baaqay gudoomiyaha dhammaan shacabka ku dhaqan degmada Jowhar inay si iskood ah waddooyinka uga guuraan kahor inta aanu maamulka halkaasi tagin.

“Meesha aan qalinka cas saarno annaga waan burburin donnaa, laakiin hadii aad iskaa u burburiso ogow wadani baad tahay waana kaa soo laaban donnaa” ayuu yiri gudoomiyaha.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in tallaab sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid walba oo isku dayda inay is hortaag ku sameyso howlgallada lagu soo celinayo bilicda magaaladaasi.

Degmada Jowhar waxaa dhawaan ka furmi doona shirka maamul u sameynta goballada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana magaaladaasi ay marti gelin doontaa madax farabadan.

Goobjoog News