U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Luuq oo Ka Warbixiyey Khasaaraha Ka Dhashay Fatahaadda Webiga Jubba

Sheeko:Caafimaadka

Guddoomiyha Degmada Luuq ee Gobolka Gedo  Ibraahim Maxamed Nuur (Towfiiq) ayaa sheegay in 92 Tuulo oo ku yiillay Webiga hareerahiisa ay baabi’isay fatahaad halkaasi ka dhacday dhowaan.

Guddoomiye Towfiiq  oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in ay Biyuhu la tageen 29 Matoor oo loogu talo galay beeraha xiliga webiga uu biyo yareeyo  iyo dhammaan dalagyadii ku yiillay Webiga hareerahiisa madaama ay deegaansadaan hareerihiisa dad u badan beeraleey oo beerto dalagyo kala duwan.

Guddoomiyaha ayaa xusay  in ay ka cabsi qabaan Ayax mar kale ka dillaaca nawaaxiga Luuq iyo cudurrada ka dhasha xilli Roobaadyada, haatanna ay fara ba’an ku hayaan Cayayaannada waxyeelleeya Dadka, Daaqa iyo Dalagga, isagoo walaac xooggan ka muujiyay in halkaasi ay ka dillaacdo macaluul, maaddaama ay Duullimaadyadu xiran yihiin, Dhulkana ay ka da’een Roobab gooyay Waddooyinka.

Ibraahim Towfiiq ayaa Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay in Dadka ku dhaqan Degmada Luuq ay lasoo gaarto gargaar Bini’aadamnimo, maaddaama ay dalagyadoodii iyo xoolihii ay dhaqanayeenba ay intooda badan ku waayeen fatahaaddii ka dhalatay Webiga Jubba oo siweyn u saameeyey gobolka Gedo.

Goobjoog News