U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Mahadaay Oo Sheegay In Ay Bilaabayaan Qaadista Canshuurta

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Mahadaay ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in dhawaan degmadaasi ka bilaabayaan qaadista lacagta Canshuurta ah.

Xaaji Saalax Fuleyn oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulkaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in maamulkooda go’aan ku gaaray in la bilaabo qaadista lacagta Canshuurta.

Waxa uu sheegay in lacagahaasi ay ku qaban doonaan adeegyada bulshada, islamarkaana maamul uu ku shaqeyn karo dhaqaale.

“Maamul waxa uu ku shaqeeyaa dhaqaale, waxaana lacagtaasi ay ka imaanaysaa bulshada, kuna noqoneysaa shacabka, degmada Mahadaay waa Barwaaqo, waxaana sameynay qiimeyn ku aadan lacagta ay bulshada dhiibi karto, iyagana wax loogu qaban karo” ayuu yiri Xaaji Saalax.

Dhinaca kale waxa uu sheegay mas’uulkaan in maanta oo bisha ku beegan tahay 7- bisha June ay bilaabayaan qaadista Canshuurta, maada sida uu sheegay aanay dowladda dhexe iyo maamulka gobalka Shabellaha dhexe wax qarash ah ku haysan.

Degmada Mahadaay ee gobalka Shabellaha dhexe ayaa noqoneysa degmadii ugu horeysa ee gobalkaasi, misane laga bilaabo lacagta canshuurta muddo badan ka dib.

Goobjoog News