U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Mahadaay Oo Sheegay In Uu Saameeyey Fatahaadda Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa faah faahin ka bixiyey fatahaadda uu Wabiga Shabelle ku sameeyey degmadaasi iyo sidoo kale deegaannada ku dhow.

Axmed Xuseen Afrax, guddoomiyaha degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in illaa Shan tuulo oo hoostaga degmada Mahadaay uu Wabiga si xooggan ugu fatahay, qaarkoodna ay go’doon galeen.

Sidoo kale, guddoomiye Axmed ayaa sheegay in uu joogsaday isku socodkii Jowhar iyo Mahadaay kadib markii wadadaadii isku xireysay degmooyinkaasi ay biyaha kasoo rogmaday wabiga ay jareen.

“Sida muuqata biyahan wey naga adag yihiin, fatahaaddu waxay saameysay dhammaan tuulooyinka hoosyimaada degmada Mahadaay, biyuhu waxay jareen wadada isku xirta Mahadaay iyo Jowhar” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha degmada Mahadaay ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabelle, DFS iyo hay’adaha samafalka ah iney u gurmadaan dadka ku go’doonsan tuulooyinka hoostaga degmadaasi.

Wabiga Shabelle ayaa xilli roobaadka sidan oo kale ugu fataha meelaha uu ka maro gobollada dalka, iyadoo tani ay noqotay mid iska soo daba laabata sanad walba.

Goobjoog News